Kabtanka xulka Portugal, Cristiano Ronaldo, ayaa diiday dalab uu ka helay tababaraha River Plate, Marcelo Gallardo, kaasoo doonayay inuu laacibka uga qeybgeliyo Koobka Adduunka ee Naadiyada 2025 isagoo u ciyaaraya kooxda reer Argentina.
Sida uu shaaca ka qaaday Gallardo, wuxuu xiriir la sameeyay Ronaldo si uu uga codsado inuu ka mid noqdo safka River Plate ee tartanka, balse xiddiga Al-Nassr ayaa ka diiday dalabka, maadaama uu doonayay inuu si buuxda diiradda u saaro isu-diyaarinta xilli ciyaareedka soo socda.
Gallardo wuxuu horay u tababaray Ronaldo sanadkii 2023 markii uu hogaaminayay kooxda Riyadh All-Stars kulankii saaxiibtinimo ee ay la ciyaareen Paris Saint-Germain.
Isagoo la hadlayay ESPN ka hor kulanka ay River Plate la yeelanayso Monterrey, Gallardo wuxuu yiri: “Nasiib ayaan lahaa inaan tababare u noqdo ciyaar uu ku jiray Ronaldo, taasoo ka dhacday Sucuudiga. Waxaan la kulmay shaqsi cajiib ah — xirfadle weyn iyo qof aad u wanaagsan. Ilaa haddana xiriir ayaan leenahay.”
“Bishii Maarso, waxaan si aan rasmi ahayn u wada xiriirnay aniga iyo isaga anagoo adeegsanayna baraha bulshada. Waxaan ku iri: ‘Koobka Adduunka ee Naadiyada ayaa dhici doona, adigoo ah ciyaaryahan waqti la xasuusan doono ka tagay, ma xiisaynaysaa inaad ciyaarto?’”
“Wuxuu dareemay in la xiiseynayo, wuu ka fiirsaday, wuu qiimeeyay… laakiin ugu dambeyntii wuxuu noo sheegay inuu doonayo inuu isku diyaariyo xilli ciyaareedka soo socda.”
Ronaldo ayaa hadda diiradda saaraya Al-Nassr iyo diyaarinta ololaha cusub ee 2025/26.