Cristiano Ronaldo Oo Diyaarsaday Hubkii Uu Iskaga Difaaci Lahaa Kiiska Kufsiga Ah Ee Kaga Socoda Las Vegas.

Kabtanka xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ku eedaysan in uu sanadkii 2009 kii kufsaday Kathryn Mayorga isla markaana uu sanadkii 2010 kii gabadhan ku aamusiiyay lacag dhan 325 kun oo euros balse mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa Ronaldo culays badan ku haya kiiska maxkamadeed ee Las Vages kaga furmay.

Kadib markii uu dhawaan qareenka Cristiano Ronaldo soo saaray war saxaafadeed aad u dheer waxa uu ku cadeeyay  in Cristiano Ronaldo iyo Kathryn Mayorga ay yeesheen xidhiidh jinsi balse aanu meesha jirin wax qasab ah iyo kufsi waxa kale oo uu xaqiijiyay in uu jiray heshiis dhex maray dhinaca Ronaldo iyo dhinaca gabadha Kathryn Mayorga sanadkii 2010 kii balse aanu heshiisaasi qirayn in Ronaldo uu kufsi sameeyay.

Haddaba Cristiano Ronaldo ayaa si wayn iskugu diyaarinaya kiiskii noloshiisa ugu adkaa wuxuuna diyaarsaday hubkii uu kaga hortagi lahaa xaalad kasta oo uu wajihi karo isaga oo waliba adeegsanaya kharash badan oo ku kacaya in uu iska difaaco eedaymaha adag ee loo soo jeediyay.

Cristiano Ronaldo ayaa shaqaalaysiistay qareenada ama looyarada ugu qaalisan isla markaana ugu caansan kuwaas oo uu aaminsan yahay in ay ka xalin karaan oo ay si buuxda sharci ahaan uga difaaci karaan kiiska toban sano kadib waqtigii uu dhacay lagu soo eedeeyay.

Cristiano Ronaldo ayaa sidoo kale shaqaalaysiiyay dhakhaatiir caan ah si ay baadhitaanada caafimaad ee loo baahdo u samayn karaana ama u hubin karaan haddii ay jiraan baadhitaano caafimaad oo cadaymo loo dhigayo kiiska kufsiga ah ee Ronaldo lagu soo eedeeyay.

Ronaldo ayaa diyaarsaday nooc kasta oo khibrad bini aadam ah oo baadhitaan kiis maxkamadeed looga baahan yahay waxaana shaqsiyaadka sida xoogan Ronaldo u difaacaya ka mid ah qareenkiisa cusub ee Peter Christiansen kaas oo war saxaafadeedkii dheeraa ee todobaadkan soo saaray.

Qareenada Ronaldo ayaa hadda dareemay in ayna jirin meel lagu dafiro in uu jiray xidhiidh jinsi ama galmo oo dhex maray Ronaldo iyo Kathryn Mayorga,waxayna doonayaan in ay maxkamada ku qanciyaan in meesha aanu kufsi ka dhicin balse uu olaansho laba dhinac ahi jiray taas oo ah waxa kaliya ee Ronaldo uu doonayo in uu ceebta iskaga dul qaado.

[irp posts=”162137" name=”RASMI: Qareenka Cristaino Ronaldo Oo War Saxaafadeed Aad U Dheer Ka Soo Saaray Kiiskii Kufsiga Ahaa Ee Ronaldo Loo Haystay-Akhriso War Saxaafadeedka Oo Dhamaystiran.”]

Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaa wada qorshe kasta oo uu kaga badbaadi karo in lagu helo kiiska lagu soo eedeeyay ee kufsiga ah iyada oo booliiska Las Vegas ee dalka Maraykanku ay muddo soo wadeen baadhitaano iyada oo xataa kamaradihii Hudheelka ay arintu ka dhacday dib loo baadhayo.