Cristiano Ronaldo Oo Arrintan Aawgeed U Diiday In Uu Heshiis Cusub La Galo Al Nassr

Mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee Al Nassr ayaa shaki galay kadib markii kooxda uu u ciyaaro ay ku guuldareysatay inay u soo baxdo AFC Champions League Elite xilli ciyaareedka dambe. Inkastoo Ronaldo uu dhaliyay 35 gool xilli ciyaareedkan, Al Nassr waxay ku dhammeysatay kaalinta saddexaad ee horyaalka Saudi Pro League, iyadoo guuldarro 3-2 ah kala kulantay Al Fateh taasoo meesha ka saartay rajadooda koobka qaaradda.

Ronaldo ayaa baraha bulshada kusoo qoray farriin la micno ah: “Cutubkani wuu dhammaaday. Sheekadana? Weli waa socotaa. Waad mahadsan tihiin dhammaan,” taasoo dhalisay tuhun ku saabsan inuu ka tagayo kooxda Al Nassr. Heshiiskiisu wuxuu dhacayaa bisha Juun 2025, waxaana socda wada-hadallo ku saabsan halka uu ku wajahan yahay.

Warar ayaa sheegaya in uu helay dalab weyn oo kaga yimid koox reer Brazil ah, taasoo u ogolaan karta inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka ee Naadiyada 2025 ee lagu qabanayo Maraykanka.

Ronaldo ayaa haatan diiradda saaraya tartanka UEFA Nations League Final Four oo ay Portugal la ciyaari doonto Jarmalka. Inkastoo mustaqbalkiisu uu mugdi ku jiro, doonistiisa ah inuu weli ciyaaro heerka ugu sarreeya way muuqataa.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football