Xiddiga Chelsea, Cole Palmer, ayaa dareenkiisa la wadaagay saxaafadda kadib guushii kooxdiisu ka gaartay finalkii UEFA Conference League, isagoo si gaar ah u xusay waxqabadka xooggan ee kooxdiisa qeybtii labaad.
“Waxey inoo tahay dareen fiican anaga iyo taageerayaashaba. Qeybtii labaad waxaan kordhinay xawaaraha, waxaana soo bandhignay ciyaar wanaagsan,” ayuu Palmer yiri.
Palmer oo kulankaas labo caawin sameeyay, ayaa si faahfaahsan u sharaxay sida ay u yimaadeen fursadahaas:
“Waan ka daalay markasta inaan kubadda gadaal ama dhinac u celiyo. Waxaan xasuustaa inay jirtey meel bannaan, markaasaan kala beddelay jihada ciyaarta. Markii aan arkay Enzo oo ordaya, kubbadda ayaan kor ugu tuuray. Midda labaadna si la mid ah ayay ku timid.”
Guushan ayaa ah mid kale oo xasuus mudan oo u soo hoyatay Chelsea, iyadoo Palmer door muuqda ka qaatay.