Ciyaaryahanka da’da yar ee Chelsea, Cole Palmer, ayaa dhawaan la weydiiyay goortii ugu dambeysay ee uu caroodo. Jawaabtiisu waxay noqotay mid ka duwan sawirka caanka ah ee laga haysto xiddigaha caalamiga.
“Waxaan aamin sanahay iney aheyd mar aan PlayStation ciyaarayay ama wax la mid ah. Anigu ma ihi robot sida ay warbaahinta u maleyneyso, mana aha inaan dareen la’aan ahay,” ayuu yiri Palmer.
“Dabcan inteysan kamaradaha i qabaneyn, waxaan la hadlaa saaxiibadey anigoo ku jira waxyaabaha aan jecelahay inaan sameeyo,” ayuu sii raaciyay.
Cole Palmer wuxuu sidaas ku muujiyay in xitaa ciyaartoyda heerka sare ah ay leeyihiin waqtiyo ay dareemaan caro iyo waqtiyo ay noloshooda caadiga ah ku raaxaystaan.