Cole Palmer Oo Caddeeyay Sababta Uu Mudryk Uga Xoogay Lambarka 10-aad Ee Chelsea

Xiddiga khadka dhexe ee Chelsea, Cole Palmer, ayaa shaaciyay sababta uu u doortay xirashada lambarka 10aad ee kooxda, isagoo sheegay inuu doonayo inuu ku daydo Lionel Messi iyo Wayne Rooney.

Palmer oo Chelsea kaga yimid Manchester City xagaagii 2023, wuxuu markii hore xirnaa lambarka 20-aad. Laakiin kulankii Club World Cup ee ay Chelsea 2-0 uga badisay Los Angeles FC, wuxuu xirnaa lambarka cusub ee 10.

“Waa kuwa aan kudaydo Messi, Rooney iyo ciyaartoyda la midka ah,” ayuu Palmer ku jawaabay markii la weydiiyay cidda uu ku daydo.

“Waa lambar caan ah. Intii aan soo korayay waxaan xirnaa lambarka 10aad, aad ayaan u jeclahay.”

Lambarka 10aad wuxuu ka qaatay Mykhailo Mudryk, kaas oo la sheegay inuu wajahay ganaax afar sano ah, kaddib markuu ku fashilmay tijaabo daroogo oo la marsiiyay.

“Wali lamaan hadlin Misha, laakiin waan la hadli doonaa waqtigu saxda ah” ayuu ku daray Palmer.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football