Cody Gakpo ayaa ka falceliyay wararka sheegaya in Bayern Munich ay xiiseynayso inay xagaagan la soo saxiixato, iyadoo kooxda reer Jarmal dooneyso garab weerar oo tayo sare leh.
Xiddiga Liverpool iyo xulka Netherlands oo la hadlayay saxaafadda xulkiisa 7-da Juun 2025 ayaa yiri:
“Anigu ma maqal waxba. Waan is illowsiiyaa wararka noocaas ah. Waxaa laga yaabaa in wakiilkayga uu wax maqlay, balse anigu isma aanan ogeyn. Waxaan diiradda saarayaa naftayda.”
Warbaahinta kicker ayaa sheegtay in agaasimaha ciyaaraha Bayern Munich, Max Eberl, uu la xiriiray wakiilka Gakpo. Si kastaba, qiimaha lagu heli karo weeraryahanka 26-jirka ah ayaa la rumeysan yahay inuu ka badan karo €70 milyan.
Gakpo ayaa xilli ciyaareedkii 2024/25 ee Premier League u saftay Liverpool 35 kulan, isagoo dhaliyay 10 gool isla markaana caawiye ka noqday 5 kale, taasoo door weyn ka qaadatay hanashada horyaalka.