Kooxda Bayern Munich ayaa noqotay kooxda labaad ee iska xaadirisa wareega 16-ka tartanka Club World Cup 2025 ee ka socda dalka Mareykanka.
Kooxda horyaalka Bundesliga ayaa xalayto guul adag ka gaartay Boca Juniors oo ay 2-1 ku garaaceen, taasoo u xaqiijisay inay soo gudbaan.
Bayern waxay kulankoodii ugu horreeyay ku xasuuqeen Auckland City 10-0, taasoo muujisay awoodda kooxda uu hoggaamiyo Vincent Kompany.
Kulankii ay la ciyaareen Boca, Harry Kane ayaa dhaliyay goolka furitaanka daqiiqaddii 18aad, balse Miguel Merential ayaa gool cajiib ah dhaliyay si uu ciyaarta u barbareeyo daqiiqaddii 66aad.
Laakiin Michael Olise, oo hadda ka mid ah gooldhaliyeyaasha ugu sarreeya tartanka, ayaa goolkiisa muhiimka ah ku xaqiijiyay guusha Bayern iyo saddexda dhibcood.
Hadda, hal dhibic kaliya ayey u baahan si ay ugu dhammeeystaan kaalinta koowaad ee group kooda, taasoo sababi karta in ay la kulmaan Chelsea wareega 16-ka – haddii Blues ay ku dhammeeystaan kaalinta labaad.
Kooxdii ugu horreysay ee u gudubta wareega bug-baxa waxay ahayd Flamengo, kuwaas oo habeenkii Jimcaha kasoo kabsaday gool lagaga naxsaday si ay Chelsea ugu garaacaan 3-1.