Tababarihii hore ee Rangers, Steven Gerrard, ayaa si gaar ah u amaanay ciyaaryahanka PSG ee Vitinha kaddib markii kooxda reer France ay 5-0 ku xasuuqday Inter Milan final-kii Champions League ee Sabtidii ka dhacay Allianz Arena, Munich.
Halyeeyga Liverpool ayaa sheegay in khadka dhexe ee reer Portugal uu yahay “Xavi-ga cusub” kaddib bandhiggiisii cajiibka ahaa ee ciyaarta.
Vitinha ayaa si heer sare ah ugu ciyaaray khadka dhexe, isagoo door weyn ka qaatay guusha PSG. Kooxda Luis Enrique ayaa ku adkaatay goolal ka kala yimid Désiré Doué (2), Achraf Hakimi, Khvicha Kvaratskhelia iyo Senny Mayulu.
Markii laga waraystay ciyaarta kaddib barnaamijka TNT Sports, Owen Hargreaves – oo hore uga tirsanaa Manchester United – ayaa Gerrard weydiiyay: “Ka waran Vitinha?” isagoo intaa ku daray: “Wuxuu lahaa xorriyad buuxda garoonka, cidna ma uusan la kulmin.”
Gerrard ayaa si toos ah ugu jawaabay: “Waa Xavi-ga cusub, waa Xavi-ga cusub.”
Xusuusta haddii dib loo celiyo, bishii Abriil, tababaraha PSG Luis Enrique ayaa isna ku tilmaamay Vitinha inuu yahay khadka dhexe ee ugu fiican caalamka.