Ciyaartoy Kale Oo Ku Biiray Liiska Dhaawacyada Barcelona Ee Sergi Roberto, Luis Suarez, Rafinha, Samuel Umtiti, Arthur iyo Arturo Vidal

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xalay 4-1 ku jiidhay naadiga heerka saddexaad ee Cultural Leonesa oo ay isku haleeleen ciyaar ka tirsanayd wareegga 32ka ee tartanka Copa del Rey.

Barcelona ayaa dhibaato la kulantay intii ay ciyaartaasi socotay, waxaana ka dhaawacmay laacibka xagaagii ay sida afduubka ah uga soo horqaateen Roma ee Malcom oo ciyaarta ka baxay xilli indhihiisu ilmaynayeen.

21 jirkan ayaa dhaliyey goolka labaad ee ciyaarta, hase yeeshee waxa uu dhaawac ka gaadhay kuraanta kaas oo markiiba ay Barcelona kasoo saartay war ay ku caddaynayso xaaladdiisa.

Malcom oo ay Barcelona 40 milyan oo Euro kaga soo qaadatay Bordeaux xagaagii, ayaa u saftay sagaal kulan oo kaliya, dhaawaciisa cusubna waxa uu dibedda dhigi karaa kulamada soo socda, oo kusoo beegan xilli ay Barcelona aad ugu baahan tahay.

Tababare Valverde oo warbaahinta la hadlay ciyaarta kaddib ayaa waxa uu tibaaxay inuu rajaynayo in dhaawaca Malcom aanu halis weyn noqonin, hase yeeshee uu ka war sugi doono baadhitaano lagu samayn doono.

War lagu baahiyey barta Twitterka Barcelona ayaa sidoo kale lagu sheegay in Malcom uu dhaawac ka gaadhay kuraanta, si degdeg ahna baadhitaan loogu samayn doono.

Dhinaca kale, dhaawacan ayaa madax xanuun hor leh ku riday Valverde oo ay hore uga maqnaayeen Sergi Roberto, Luis Suarez, Rafinha, Samuel Umtiti, Arthur iyo Arturo Vidal, laakiin waxa la filayaa in ka hor sannadka cusub ay soo laabtaan Roberto iyo Suarez, halka Rafinha uu inta ka dhiman xili ciyaareedkan dibedda jiifi doono.

Samuel Umtiti, Arthur iyo Arturo Vidal ayaanay caddayn xilliga ay kusoo laaban karaan garoomada.