Chelsea ayaa aad uga qanacsan qaab ciyaareedka iyo xirfadda Trevoh Chalobah kadib markii uu kasoo laabtay amaah uu ku joogay Crystal Palace, waxaana kooxda aysan si firfircoon uga shaqeynin inay iska iibiso daafaca 25-jirka ah. Si kastaba ha ahaatee, mustaqbalkiisa garoonka Stamford Bridge weli waa mid aan la hubin iyadoo xiisaha kooxaha kale, gaar ahaan Napoli oo hanatay Serie A, uu sii kordhayo.
Napoli, oo uu Antonio Conte go’aansaday inuu sii joogo kadib markii uu kooxda u horseeday horyaalka, ayaa diyaar u ah inay xoojiyaan kooxdooda kahor tartamada gudaha iyo Yurub. Conte, oo horey u soo layliyay Chalobah xilligii uu joogay Chelsea, ayaa la sheegayaa inuu doonayo inuu mar kale la midoobo daafacan.
Chelsea uma ballanqaadayso Chalobah boos joogto ah, gaar ahaan iyadoo Wesley Fofana la filayo inuu soo laabto oo uu la lamaan noqdo Levi Colwill.
Inkastoo Chelsea ay dooneyso inay la soo saxiixato daafac kale xagaagan, mudnaanta waxay siineysaa daafac bidix ah, taasoo hoos u dhigi karta tartanka tooska ah ee Chalobah.
Si kastaba, mustaqbalkiisa fog aawadeed,waxey ku xirnaan doontaa rabitaankiisa inuu helo fursado ciyaar joogto ah.
Sida laga soo xigtay The Telegraph, Chelsea uma xannibi doonto haddii Chalobah uu go’aansado in fursadiisa xulka qaranka ay ku xiran tahay inuu tago koox kale, gaar ahaan haddii Napoli ama koox kale ay bixiso dalab culus.