Chelsea Oo Weeraryahan Kale Oo Halis Ah Heshiis La Gaartay

Kooxda Chelsea ayaa heshiis la gaartay Borussia Dortmund si ay ula soo saxiixato garabka weerarka, Jamie Gittens, sida uu shaaciyay Fabrice Hawkins oo ka tirsan RMC Sport, warbixintana waxaa xaqiijiyay ilo kale oo dhowr ah.

Labada kooxood ayaa isku afgartay lacagta lagu kala iibsanaayo ciyaaryahanka, ka dib wada-hadallo soo jiitamayay tan iyo ka hor bilowgii Koobka Adduunka ee Kooxaha (Club World Cup).

Jamie Gittens, oo 20 jir ah, ayaa hore u aqbalay heshiis toddoba sano ah oo ay Chelsea u soo bandhigtay. Waxa uu sidoo kale iska diiday dalabyo kaga yimid kooxo waaweyn sida Bayern Munich.

Inkasta oo Chelsea ay weli fursad u leedahay inay ciyaartoy cusub kusoo darto wareegga bug-baxa ee Club World Cup ilaa 3-da Luulyo, Gittens xaq uma laha ka qeybgalka tartanka, maadaama uu hore uga qeyb qaatay tartanka isagoo u ciyaaraya Dortmund.

Gittens waxa uu noqonayaa saxiix kale oo Chelsea ku xoojineyso dhanka weerarka, isagoo lagu tilmaamay mid mustaqbal weyn leh.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football