Chelsea Oo War Weyn Kasoo Saartay Mustaqbalka Jadon Sancho Kadib Finalkii Conference Cup-ka

Sida laga soo xigtay Sky Sports, Chelsea ayaa la billowday wadahad wakiillada Jadon Sancho si ay uga heshiiyaan shuruudo cusub oo qandaraaskiisa ah, haddii uu ciyaaryahanku sii joogo kooxda xilli ciyaareedkan kadib.

Chelsea ayaa diyaar u ah in Sancho uu sii joogo kooxda, balse waxay rabaan inuu la jaanqaado nidaamka mushaharka ee hadda ka jira kooxda.

Xaaladda hadda jirta, taas ma ahan mid suurtagal ah: Sancho ayaa la rumeysan yahay inuu Manchester United ka qaato £250,000 toddobaadkii.

Chelsea waxay ku khasban yihiin inay £25 milyan ku iibsadaan Sancho dhammaadka xilli ciyaareedka, balse waxay sidoo kale haystaan ikhtiyaarka ah inay bixiyaan £5 milyan oo ganaax ah si ay uga baxaan heshiiska.

Qandaraaska 25-jirkan ee Manchester United ayaa dhacaya xilli ciyaareedka soo socda.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football