Chelsea Oo War Weyn Kasoo Saartay Mustaqbalka Jackson

Kooxda Chelsea ayaa si cad u dejisay istiraatiijiyad ay ugu diyaar garoobeyso xilli ciyaareedka cusub — taas oo ah in ugu yaraan laba weeraryahan oo heer sare ah ay ka mid noqdaan kooxda. Sida uu sheegay weriyaha caanka ah ee Sky Sports, Kaveh Solhekol, Chelsea ma damacsana inay iibiso Nicolas Jackson, inkastoo dalabyo kala duwan laga helayo kooxo ku sugan Ingiriiska, Yurub, iyo Horyaalka Sacuudiga.

Jackson oo 23 jir ah ayaa la sheegay in saddex kooxood oo Premier League ah ay xiiseynayaan, iyo sidoo kale kooxo ka dhisan Talyaaniga. Si kastaba ha ahaatee, kooxaha Serie A ayaa wajahayaa caqabado dhaqaale oo laga yaabo inay ka hor istaagaan heshiis kasta, iyadoo mushaharka sare ee Jackson iyo lacagta la filayo in lagu iibsado ay yihiin caqabadaha ugu waa weyn.

Weeraryahanka reer Senegal ayaa saxiixay heshiis kordhin laba sano ah oo xagaagii hore, taasoo kusii heyneysa Stamford Bridge ilaa sanadka 2033.

Chelsea ayaa qorsheyneysa inay dhisto saf diyaarsan oo halis ah, iyadoo Jackson uu ka mid yahay xiddigaha muhiimka ah ee mashruuca cusub ee kooxda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football