Chelsea Oo Shaacisay Xilliga Delap Uu Caafimaadka U Marayo

Weeraryahanka kooxda Ipswich Town, Liam Delap, ayaa la filayaa inuu caafimaadka u maro kooxda Chelsea maalinta Isniinta, Juun 2, sida uu shaaciyay David Ornstein. Chelsea ayaa ku dhow inay dhamaystirto heshiis £30 milyan ah, kaddib markii ay dhaqaajisay qodobka lagu burburin karo qandaraaska Delap, kaas oo dhaqan galay markii Ipswich laga reebay Premier League.

Delap oo 21 jir ah ayaa doortay inuu ku biiro Chelsea, inkasta oo ay xiiseynayeen kooxo waaweyn sida Manchester United, Newcastle United, Everton, Nottingham Forest, AC Milan iyo Juventus.

Delap wuxuu Ipswich uga soo wareegay Manchester City xagaagii hore, iyadoo lagu iibsaday £20 milyan. Xilli-ciyaareedkiisii ugu horreeyay, wuxuu u saftay 40 kulan isagoo dhaliyay 12 gool, taasoo keentay in kooxo badan ay isha ku hayaan.

Inkasta oo uu da’yar yahay, Delap wuxuu hore ugu soo ciyaaray amaah ahaan kooxaha Stoke City, Preston North End, iyo Hull City, taasoo ka dhigtay ciyaaryahan khibrad leh. Intii uu joogay Man City, wuxuu u saftay kaliya 6 kulan.

Chelsea ayaa doonaysa inay dhameystirto saxiixyada xagaaga sida ugu dhaqsaha badan, si tababare Enzo Maresca uu u helo koox deggan kahor bilowga xilli-ciyaareedka cusub.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football