Chelsea Oo Shaacisay Lacagta Ay Ku Dooneyso Iney Kula Soo Wareegto Hugo Ekitike

Chelsea ayaa weeraryahanka Hugo Ekitike ku qiimeeysay qiyaastii £67 milyan, sida ay warisay BILD. Si kastaba ha ahaatee, kooxda Eintracht Frankfurt ayaa weli doonaysa in heshiisku gaaro ilaa £84 milyan.

Inkasta oo aan la diidin suurtogalnimada heshiis rasmi ah ka hor Talaadada, haddana ilaa hadda ma jirto wax xiriir ama dalab rasmi ah oo la gudbiyay dhammaadka usbuuca, taasoo sababtay in wada-hadallada ay istaagaan.

Hugo Ekitike ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ciyaaray 48 kulan dhammaan tartamada, isagoo dhaliyay 22 gool isla markaana sameeyay 12 caawin.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football