Chelsea Oo Sababtan Darteed Uga Dulqaadi Karto Liam Delap Kooxda Manchester United

Chelsea ayaa dadaal xoogan ugu jirta helitaanka weeraryahan cusub, iyadoo Liam Delap uu noqday bartilmaameedka ugu weyn ee kooxda.

Kooxda reer London ayaa doonaysa inay si degdeg ah uga shaqeyso heshiiska, gaar ahaan kadib markii ay xaqiijisay ka qaybgalka Champions League xilli ciyaareedka dambe, taasoo sare u qaadaysa kalsoonida ay ku qabaan suuqa kala iibsiga.

Delap ayaa la filayaa inuu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa toddobaadkan, isagoo weli ah xiddig si weyn looga doonayo Stamford Bridge.

Wadahadallo hore oo wanaagsan ayaa dhacay, waxaana Chelsea haatan aad ugu kalsoon tahay inay ka adkaan karto Manchester United oo seegtay iney usoo gudubto tartanka ugu xamaasadda badan Yurub, taasoo Chelsea siinaysa faa’iido weyn.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football