Chelsea Oo Loo Heysto Dacwad Musuq Iyo Is-daba Marin

Saddex iyo soddon kooxood oo xirfadley ah ayaa wajahaya baaritaan ay waddo Hay’adda Canshuuraha iyo Dakhliga UK (HMRC), kaddib markii lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah uga faa’iideysteen qorshaha canshuur-dhimista horumarinta cilmi-baarista iyo tignoolajiyada (R&D), iyagoo sheegtay in ka badan £17 milyan oo lacag dadweyne ah.

Baaritaankan, oo ay HMRC xaqiijisay kaddib codsi xog-helid (Freedom of Information request), ayaa daba socda baaritaan uu sameeyay wargeyska The Times, oo daahfuray in kooxaha Premier League ee ay ku jiraan Chelsea, Fulham, iyo Nottingham Forest ay ka mid yihiin kooxaha helay lacagahaas loogu talagalay horumarinta sayniska iyo tiknoolajiyada ee danta u ah bulshada guud ahaan.

Sida ku cad xogaha maaliyadeed, Chelsea ayaa heshay in ka badan £3 milyan oo ah R&D tax relief intii u dhaxeysay 2020 illaa 2023. Nottingham Forest ayaa sheegatay £607,000 intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021–22, halka Fulham ay sheegatay £758,000 muddadii u dhaxeysay 2019 ilaa 2024. Markii lala xiriiray si ay uga hadlaan sida ay u buuxiyeen shuruudaha lacagahaas, kooxahaasi way ka gaabsadeen inay wax faallo ah bixiyaan.

Sida uu dhigayo sharciga HMRC, shirkado keliya oo sameynaya horumar dhab ah oo ku saabsan cilmiga ama tignoolajiyada, isla markaana faa’iido u leh guud ahaan garoomadaas — oo aan ahayn horumar u gaar ah shirkadda gudahooda — ayaa u qalma inay helaan R&D tax relief.

Afhayeen u hadlay waaxda canshuuraha ayaa yiri:

“Waxaan xaqiijinaynaa in, marka la eego taariikhda codsiyada, ay jiraan 33 baaritaan oo furan oo ku saabsan sheegashada canshuur-dhimista R&D ee ay sameeyeen kooxo kubadda cagta ah. Qiimaha guud ee sheegashooyinkan lagu baarayo wuxuu gaarayaa £17.4 milyan.”

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football