Chelsea Oo Ku Guuleysatay Conference League Kadib Guul Taariikhi Ah Oo Ay Ka Gaartay Real Betis

Kooxda Chelsea ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay UEFA Conference League kadib markii ay 4-1 kaga adkaadeen Real Betis ciyaartii kama dambaysta ahayd ee ka dhacday magaalada Wrocław ee dalka Poland.

Real Betis ayaa goolka la hormartay daqiiqaddii 9-aad markii Ez Abde uu dhammaystiray baas uu ka helay Isco. Inkastoo Betis ay si fiican u ciyaartay qeybtii hore, Chelsea ayaa si buuxda u beddeshay ciyaarta qeybtii labaad.

Enzo Fernández ayaa madax ku dhaliyay karoos uu ka helay Cole Palmer daqiiqaddii 65-aad si uu ciyaarta u barbareeyo. Shantii daqiiqo ee xigtay, Palmer ayaa mar kale caawiye ka noqday goolka labaad oo uu madax ku dhaliyay Nicolas Jackson. Jadon Sancho ayaa ciyaarta gool quus ah dhaliyay daqiiqaddii 83-aad isagoo qalbada jebiyay taageerayaasha Betis.

Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa sameeyay isbeddelkii ciyaarta beddelay qeybtii nasashada, isagoo soo geliyay Reece James iyo Jadon Sancho. waxaa wakhtiga dheeriga gool cajiib ah dhaliyay Caicedo.Guushan waxay Chelsea u horseeday iney noqoto koox taageerayaasheeda ku qancisa koob xilli ciyaareed kaan.

Real Betis, oo markii ugu horreysay final ka ciyaareysay Yurub, ayaa soo bandhigtay ciyaar wanaagsan balse waayo-aragnimada Chelsea ayaa guul taariikhi ah horseeday.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football