Chelsea Oo Kasoo Jawaabtay Xiisihii Arsenal Ee Madueke

Kooxda Chelsea ayaa diyaar u ah inay dhegeysato dalabyada laga soo gudbiyo Noni Madueke haddii ay ka bataan keliya 50 Million. kooxda Arsenal ay noqotay tartame dhab ah oo xiiseyneysa xiddiga xulka England xagaagan, sida uu warinayo The Telegraph.

Agaasimaha isboortiga ee Arsenal, Andrea Berta, ayaa la fahamsan yahay inuu qiimeynayo xulashooyin weerar, balse kalsoonidu way sii kordhaysaa in Madueke uu u wareegi karo Emirates. Wararku waxay sheegayaan in ciyaaryahanku isagu xiiseynayo inuu ku biiro Arsenal, hase yeeshee lama oga in Gunners ay diyaar u yihiin inay la jaanqaadaan qiimaha Chelsea ay dalbaneyso.

Xaaladdu waxay sii kululaatay kaddib markii Chelsea la soo saxiixatay Jamie Bynoe-Gittens oo ay kala soo wareegeen Borussia Dortmund, heshiiskiisuna gaarayo £48.5 milyan iyo £3.5 milyan oo gunnooyin ah — taasoo albaabada u fureysa inay ciyaartoy kale fasaxaan.

Haddii uu dhaco heshiiska, Madueke wuxuu noqon doonaa ciyaaryahankii toddobaad ee u kala wareega Chelsea iyo Arsenal tan iyo 2019, iyo kii labaad ee xagaagan, kaddib Kepa Arrizabalaga oo ku biiray Arsenal.

Madueke, oo Chelsea uga yimid PSV Eindhoven bishii Janaayo 2023 lacag dhan £30 milyan, ayaa ilaa hadda u saftay kooxda 67 kulan oo Premier League ah, isagoo dhaliyay 13 gool isla markaana bixiyay 5 caawin.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football