Chelsea Oo Guushii Afraad Oo Xidhiidh Ah Ee Europa League Ka Gaadhay BATE, Blues Oo U Soo Baxday Wareega Xiga Iyo Wiilasha Maurizio Sarri Oo Wali Guuldaro La’aan Ku Jira.

Kooxda Chelsea ayaa halkeeda ka sii wadatay guulihii xidhiidhka ahaa ee ay xili ciyaareedkan kaga soo jirtay tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Europa League waxayna markan shanta farood saartay kooxda Bate iyada oo waliba kooxda Maurizio Sarri awooday in ay kulankii afraad oo xidhiidh ah ee Euoropa League guulaysato.

Chelsea ayaa u soo gudubtay wareega bug baxa ee UEFA Euorpa League iyada oo afartii kulan ee ay ciyaarta ka heshay 12 dhibcood waxayna sidaa kaga soo gudubtay heerka groupyada Europa League waxaana guushan ku hogaamiyay Olivier Giroud  oo dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Blues tan iyo bishii May.

Chelsea ayaa sii adkaysatay in ay ahaato kooxda kaliya ee Yurub ka dhisan ee aan hal guuldaro la kulmin dhamaan tartamada oo dhan xili ciyaareedkan waxayna kooxda Sarri muujisay horumarka layaabka leh ee ay xili ciyaareedkan samaysay.

Maurizio Sarri ayaa Chelsea soo maamulay 17 kulan oo tartamada oo dhan ah waxayna Blues soo guulaysatay 14 kulan oo ka mid ah halka 3 kulan ee kale ay barbaro soo gashay iyada oo wali Sarri aanu dhadhamin hal guuldaro oo Chelsea ku soo gaadhay.

Giroud ayaa kooxdiisa Chelsea goolka guusha ugu dhaliyay karoos uu ka helay Emerson Palmieri kaas oo isna fursadaha ugu xili ciyaareedkan ka helayo Sarri isku muujimaya waxayna Chelsea heshay fursad ay xili horeba iskaga dulqaaday culayskii Europa League ee heerka groupyada.

Natiijooyinka Kulamadii Europa League Ee Ilaa Hadda La Soo Ciyaaray:

Fenerbahce 2 – 0 Anderlecht

Rapid Wien 0 – 0 Villarreal

Spartak Moscow 4 – 3 Rangers

Apollon Limassol 2 – 3 Eintracht Frankfurt

Lazio 2 – 1 Marseille

Genk 1 – 1 Besiktas

Malmoe FF 1 – 1 Sarpsborg 08

Akhisarspor 2 – 3 Sevilla

FC Krasnodar 2 – 1 Standard Liege

FC Astana 2 – 1 Jablonec

Dynamo Kyiv 3 – 1 Rennes

Vidi FC 1 – 0 PAOK

BATE Borisov 0 – 1 Chelsea