Chelsea Oo Ekitike Ku Garaacday Liverpool Iyo Arsenal; Waxey La Heshiiyeen Wakiillada Xiddiga

Chelsea ayaa la sheegayaa inay hormuud u tahay tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Eintracht Frankfurt ee Hugo Ekitike, iyadoo durba guul ka gaartay wadahadalladii ay la yeesheen wakiilada ciyaaryahanka.

Weeraryahankan Faransiiska ah oo 22 jir ah ayaa lagu qiimeeyaa ku dhowaad €100 milyan (£84 milyan), waxaana xiiseynaya kooxo kale oo Premier League ah sida Liverpool iyo Arsenal.

Ekitike ayaa xilli ciyaareed cajiib ah la qaatay Frankfurt, isagoo dhaliyay 22 gool, caawiyayna 12 kale, dhammaan tartamada, 48 kulan oo uu saftay.

Tababaraha cusub ee Chelsea, Enzo Maresca, ayaa u arka Ekitike mid si weyn u xoojin kara safka kooxdiisa, gaar ahaan iyadoo kooxda ku jirto diyaar garowga ololaha Champions League.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football