Kooxda Chelsea ayaa si weyn u dardar gelisay dadaalladeeda ku aaddan saxiixa weeraryahanka kooxda Eintracht Frankfurt, Hugo Ekitike, xilli ay tartan kala kulmayso kooxaha Arsenal iyo Liverpool.
Ekitike, oo 22 jir ah, ayaa si rasmi ah ugu biiray Frankfurt xagaagii hore isagoo ka yimid Paris Saint-Germain, waxaana uu xilli ciyaareedkii tegay dhaliyay 15 gool isla markaana caawiyay 8 kale 33 kulan oo uu u saftay kooxda Bundesliga-da.
Arsenal iyo Liverpool ayaa la rumeysan yahay inay horay u sameeyeen baadhitaanno hordhac ah oo ku saabsan helitaanka saxiixiisa. Si kastaba, warbixin cusub oo ka timid L’Équipe ayaa sheegaysa in Chelsea si degdeg ah u qaaday tallaabooyin hor usocod leh si ay u niyad-jabiyaan labada kooxood ee kale.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Ekitike uu haatan si dhab ah u eegayo mustaqbalkiisa ciyaareed, maadaama laga saaray liiska xulka France ee tartanka Euro U21 sababo la xiriira dhaawac dhabarka ah.
Hugo Ekitike wuxuu heshiis rasmi ah kula jiraa Eintracht Frankfurt illaa bisha Juunyo ee 2029.
Tani waxay imaaneysaa iyadoo Chelsea si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Sporting CP, Dario Essugo.