Chelsea Oo Ceyrineysa 9 Ciyaartoy, Xilli Enzo Maresca Uu Wado Isbedello Waaweyn Oo Lagu Dhisayo Koox Tiro Kooban

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo warramayaa in ay suuqa gelisay sagaal ciyaartoy, iyada oo tababaraha cusub Enzo Maresca uu qorsheynayo in uu si adag u dhimo tirada ciyaartoyda kooxda ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Warbixin cusub oo ka timid BBC Sport ayaa sheegaysa in Chelsea ay doonayso in ay iska dirto inta badan ciyaartoyda kooxda uga maqnaa amaah xilli ciyaareedkii hore, iyadoo laga reebayo Andrey Santos oo la filayo in fursad loo siiyo inuu qayb ka noqdo kooxda koobka aduunka ee naadiyada kadib bandhig fiican oo uu ka sameeyay Strasbourg.

Liiska ciyaartoyda la dhigay suuqa waxaa ku jira:

Raheem Sterling,Axel Disasi,Djordje Petrovic,Armando Broja,Joao Felix,Renato Veiga,Ben Chilwell,Carney Chukwuemeka,Lesley Ugochukwu

Sidoo kale, Kepa Arrizabalaga oo amaah ugu maqnaa Bournemouth xilli ciyaareedkii hore, ayaa isna lagu wargeliyay in aanu qayb ka noqon doonin qorshaha Maresca. Si kastaba, Kepa kuma xisaabsana ciyaartoyda la doonayo in laga takhaluso, maadaama uu haatan ku dhow yahay inuu ku biiro Arsenal heshiis lagu qiyaasay £5 milyan.

Chelsea ayaa tan iyo markii ay kooxda la wareegeen Todd Boehly iyo Clearlake Capital sanadkii 2022, waxay ku bixisay lacag fara badan saxiixyo cusub, taasoo keentay in kooxda lagu arko tiro aad u badan oo ciyaartoy ah oo aan heli karin boos joogto ah.

Tababare Maresca ayaa hadda doonaya in uu sameeyo nadiifin ballaaran oo kooxda ah, si uu u dhiso koox isku dheelitiran oo gali karta tartan dhab ah oo gudaha iyo Yurub ah.

 

 

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football