Arsenal ayaa horey ugula kulantay wakiilka Gyokeres toddobaadkii hore magaalada Lisbon, iyagoo doonaya inay helaan saxiixa xiddigan 26-jirka ah.
Warar hore ayaa sheegayay in Gunners ay miiska u saareen dalab gaaraya £58.7 milyan si ay u helaan saxiixiisa, iyagoo diyaar u ah inay siiyaan heshiis shan sano ah oo uu todobaadkii ku qaadanayo £110,000.
Haddase wargeyska Record ee Portugal ayaa sheegaya in Arsenal aysan keligood xiiseynayn Gyokeres, iyadoo ay sidoo kale kula biireen Chelsea iyo kooxda Serie A-da Talyaaniga, Juventus, kuwaas oo labaduba la xiriiray ciyaaryahanka toddobaadkan si ay u ogaadaan xaaladdiisa hadda.
Gyokeres ayaa si cajiib ah ugu ciyaaray Sporting tan iyo markii uu kaga soo biiray Coventry City sanadkii 2023. Inkastoo lala xiriirayay bixitaan xagaagii hore, wuxuu go’aansaday inuu hal sano kale sii joogo kooxda.
Si kastaba, horumarka cusub ee socda ayaa ka dhigaya in Gyokeres uu haatan wajahayo go’aan weyn oo ku saabsan mustaqbalkiisa xagaagan.