Chelsea Noqotay Kooxdii Ugu Horaysay Ee Afka Ciida U Dartay Man City, Maurizio Sarri Oo Ugu Danbayn Dhulka Dhigtay Guardiola Iyo Liverpool Oo Guul Labaad Heshay.

Kooxda Chelsea ayaa soo gaba gabaysay rekoodhkii guuldaro la’aanta Premier League ee Manchester City kadib markii ay Blues noqotay kooxdii ugu horaysay ee xili ciyaareedkan saddexda dhibcood ka tirsatay kooxda koobka Premier league difaacanaysa ee Manchester City.

Chelsea ayaa hogaanka Premier League farta ka saartay Liverpool iyada oo kooxda Guardiola lumisay saddexdii dhibcood ee ugu horeeyay oo ay hal kulan ku wayday xili ciyaareedkan. Waxayna guuldarada soo gaadhay Man City ay sabab u noqotay in Liverpool ay ahaato kooxda kaliya ee aan ilaa hadda guuldaro ku soo gaadhin Premier league.

Chelsea ayaa guushan ku gaadhay 2-0 iyada oo Kante iyo David Luiz ay noqdeen geesiyaasha Blues guushan qaaliga ah u soo hooyay iyada oo Sarri uu ugu danbayn jilbaha u laabay kooxda Guardiola ee Man City.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

MANCHESTER CITY (4-3-3): Ederson; Kyle Walker, John Stones, Aymeric Laporte, Fabian Delph; Bernardo Silva, Fernandinho, David Silva; Riyad Mahrez, Raheem Sterling, Leroy Sane.

Kadyka: Arijanet Muric, Phil Foden, Vincent Kompany, Nicolas Otamendi, Gabriel Jesus, Danilo, Ilkay Gundogan.

CHELSEA (4-3-3): Kepa Arrizabalaga; Cesar Azpilicueta, Antonio Rudiger, David Luiz, Marcos Alonso; N’Golo Kante, Jorginho, Mateo Kovacic; Pedro, Eden Hazard, Willian.

Kaydka: Willy Caballero, Ruben Loftus-Cheek, Cesc Fabregas, Ross Barkley, Emerson, Andreas Christensen, Olivier Giroud.

Kulankan ayaa ahaa mid si wayn aduunka oo dhan looga sugayay maadaama oo uu saamayn toos ah ku yeelanayay kala saraynta hogaanka Premier league oo ay Liverpool sii qabtay kadib markii ay guul ka sii gaadhay kooxda Bournemouth.

Sidoo kale Maurizio Sarri ayaa doonayay in uu soo gaba gabeeyo rekoodhkii liitay ee guuldarooyinka xidhiidhka ahaa uu kala soo kulmi jiray Guardiola. Chelsea waxa uu kulankani u ahaa mid muhiimad wayn lahaa maadaama oo ay hore guuldaro uga soo gaadhay Wolves kulankii la soo dhaafay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid Manchester City ay fursadaha badan abuuraysay laakiin tatikada Sarri ayaa ahayd mid muhiim u noqotay Chelsea maadaama oo ay qorshe cad oo ciyaarta ah hir galiyeen.

Man City ayaa iska lumisay fursado muhiim ah gaar ahaan Leroy Sane laakiin Blues ayaa doonaysay in ay aamusiiso weerarka uu Guardiola kulankan u soo xushay.

Daqiiqadii 45 aad ee dhamaadkii qaybtii hore iyada oo la filayay in ciyaartu ay barbaro gool la’aan ah qaybtii hore ku dhamanayso ayuu N’Golo Kante kooxdiisa Blues u dhaliyay goolka gabi ahaanba badalay xaaladii Chelsea iyo ciyaartaba wuxuuna goolkan ku dhaliyay kubbad uu Hazard si fiican u daba mariyay ciyaartoyda Man City.

Kante ayaa ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Chelsea hogaanka kula wareegtay isaga oo waliba kooxdiisa ka caawiyay in ay aaminto in ay guul ka gaadhi karto Machester City.

Kante ayaa si qurux badan lugta midig ugu dhamaystiray kubbada uu Hazard soo daba mariyay difaaca iyo ciyaartoyda Man City oo waliba aad u badnaa wuxuuna goolkani noqday mid Chelsea siiyay ruux iyo dhiironaan ayna hore u haysan.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Manchester City ayaa la filayay in ay awood buuxda la soo baxayso laakiin Chelsea ayaa samaysay dhiiranaan adag iyo waliba in ay Man City xaalada ku adkayso waxayna taasi keentay in doorkii gool dhalinta ee Man City uu noqday mid garan waayay qaabkii ay goolsha badan ku soo dhalin jireen.

Daqiqiadii 53 aad markii uu Guardiola arkay in ayna kooxdiisu hayn dariiqii ay ku soo laaban lahayd waxa uu ciyaarta ka saaray Leroy Sane wuxuuna ciyaarta soo galiyay Gabriel Jesus si uu weerarkiisa ugu soo xoojiyo.

Daqiiqadii 65 aad Chelsea ayay dhibaato dhaawac soo gaadhay iyada oo Kocacic uu awoodi waayay in uu ciyaarta sii wadan karo waxaana kaydka looga yeedhay Ross Barkley laakiin Bues ayaa dardar cusub yeelatay.

Ciyaarta ayaa noqotay mid sii adkaatay laakiin ay Chelsea hadda noqotay kooxda laga filan karo in ay goolka labaad keensan karto inkasta oo Man City si xoogan u raadinaysya goolka barbaraha balse Guardiola ayaa daqiiqadii 68 aad ciyaarta ka saaray David Silva oo ay ka jiiftay wuxuuna keenay Gundogan.

Daqiiqadii 75 aad Sarri ayaa khadka dhexe soo xoojisatay wuxuuna keensaday xidiga bandhiga fiican ku soo jiray ee R. Loftus-Cheek isaga oo saaray Willian iyada oo Blues markan heshay fursad ay kubbada si buuxda ugula qaybsato Man City.

Daqiiqadii 78 aad Chelsea ayaa heshay goolkeeda labaad ee muhiimada khaaska ah u lahaa kooxdeeda kadib markii uu David Luiz uu awooday in uu gool madax ah ku dhaliyo kubbad koorne ahayd oo uu Eden Hazard caawintii labaad ku sameeyay waxayna ciyaartu noqotay 2-0 ay Blues kalsooni buuxda ku heshay.

Intaa wixii ka danbeeyay Manchester City ayaa dareentay in ayna habeenkeedii ahayn iyada oo wajiyada ciyaartoyda Sky Blues si buuxda looga dareemayay xanuunka guuldaradu leedahay balse wali dagaalka City ayaan dhamaan.

Daqiiqadii 90 aad Sarri ayaa ciyaarta ka saaray Eden Hazard wuxuuna soo dhawayn wayn ka helay jamaahiirta kooxdiisa kadib bandhigii cajiibka ahaa ee uu sameeyay wuxuuna ciyaarta oo dhamaad ah uu keenay Giroud.

Dhamaadkii ciyaarta Kepa ayaa gool cadaan ah ka beeniyy Man City laakiin ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay Chelsea ku garaacday Man City isla markaana ay uu Sarri ugu danbayn guul ka gaadhay Guardiola.

Man City ayay soo gaadhay guuldaradii ugu horaysay ee Premier league ee xili ciyaareedkan waxayna guul kale u noqotay Liverpool oo hadda la wareegtay hogaaminta Premier league halka ay Chelsea ay sare u soo qaaday hamigeeda kadib waji gabixii Wolves.

2 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. aaad baan ugu faraxsanahay wanan Ku raja weyna in an m.city ka guleysanayo

Comments are closed.