Calanka Arsene Wenger Wali Ma Dhicin, Mid Kamid Ah Kooxaha Ugu Waaweyn Qaarada Yurub Oo Xil Sarre U Magaaci Karta Tababarihii Hore Ee Arsenal.

Haddiiba aad aaminsanayn in Arsene Wenger uu yahay mid gabi ahaanba ay ku adkaan doonto inuu mar labaad soo jiito kooxaha waaweyn dabcan waad ku qaldan tahay sababtoo ah tababarihii hore ee Arsenal ayaa haatnaba shaqo sarre ka helaya mid kamid ah kooxaha ugu waaweyn qaarada Yurub.

Kooxda ugu tunka weyn dalka France ee Paris Saint-Germain ayaa Arsene u doonaysa inay u magacawdo agaasimaha ciyaaraha ee kooxdeeda, PSG ayaa tababarahan u aragta mid leh khibrad weyn oo uu kooxda kaga haqab tiri karo booskaas.

 

RMC oo xog ogaal u ah wararka Paris Saint-Germain ayaa ku warrantay in mulkiilaha ree Qatar ee Nasser Al-Khellaifi uu doonayo in Wenger uu ka dhinac shaqeeyo tababaraha kooxdaas ee Thomas Tuchel.

Tuchel ayaa Paris ku hoggaamiyay sagaal guulood oo horyaalka Ligue 1 ah tan iyo markii uu shaqada ka bedelay tababaraha Arsene Wenger Arsenal ka bedelay ee Unai Emery.

Tuchel ayaa la fahamsan yahay inay isku dhaceen agaasimaha ciyaaraha haatan ee kooxda ee Antero Henrique waana sababta ugu weyn ee kooxdan ree France ku qasbaysa inay booskaas u magacawdo 68 jirkan waayo araga ah.

Paris ayaan kali ku ahayn xiisaha ay u qabto Wenger balse waxa ay loolan kala kulmi doontaa kooxo badan oo ka kala socda horyaalada Japan, China iyo Turkey oo doonaya inay ka dhigtaan tababaraha rasmiga ah ee kooxahooda.