CAJIIB!: Xulka Qaranka Netherlands Oo Shan Daqiiqo Ku Dilay Rajadii France Ee UEFA Nations League Iyo Van Dijk Oo Germany Ka Yaabiyay Si Uu Xulkiisa Ugu Soo Saaro Semi-Finalka UEFA Nations league.

Xulka qaranka Netherlands ayaa layaab ka dhigay kulankii UEFA Nations League ee dhex maray Germany iyada oo taariikh kale laga diwaan galiyay koobka xiisaha gaarka ah yeeshay ee qaramada qaarada Yurub waxayna Netherlands iska xaadiriyeen afar dhamaadka tartankan kadib markii ay si layaableh u soo laabteen.

Xulka qaranka France ayaa isku arkayay in ay ka mid noqdeen afarta xul qaran ee UEFA Nations league ku tartami doona bisha June ee sanadka cusub maadaama oo Netherlands hogaanka ciyaarta looga hayay 2-0 ilaa intii la soo gaadhayay daqiiqadii 85 aad oo ay saan saan cusubi soo baxday.

Laakiin daqiiqadii 90 aad ee kulankii Germany iyo Netherlands waxaa gabi ahaanba burburtay rajadii xulka koobka aduunka haysta ee France kuwaas oo loo sheegay in Netherlands ay si layaab leh ay ugu soo baxeen afar dhamaadka UEFA Nations league.

Xulka qaranka Germany ayaa qaybtii hore ee kulankan waxay dhaliyeen laba gool kuwaas oo ay saxiixeen Leroy Sane iyo Wegner laakiin xulka qaranka Netherlands ayaa u muuqday kuwo quus ah kadib markii ay Germany haysteen fursado aan tiro lahayn oo ay goolal badan ugu guulaysan kareen.

Daqiiqadii 85 aad rajada Netherlands waxaa si layaableh u soo nooleeyay da’yarka Quincy Promes kaas oo gool cajiib ah ku dhaqaajiyay shabaqa uu Manuel Neuer ilaalinayay wuxuuna goolkani ruux cusub galiyay ciyaartoydii tabcaantay ee xulka qaranka Netherlands.

Laakiin kabtan Virgil Van Dijk ayaa indhaha caalamka ku xaday goolka labaad ee xulka qarankiisa Netherlands u soo saaray afar dhamaadka UEFA Nations league isla markaana France daaqada ka tuuray kadib markii uu Van Dijk sida gool dhaliyaasha uu kubbad cajiib ah ku ruxay shabaqa Germany.

Haddii aad ogayd xamaasadii waalida ahayd ee uu xulka qaranka England ku reebay Croatia waxaa markale xaalad waali ah dhaliyay Van Dijk oo markiisa muujiyay in uu hogaamiye dhab ah ka yahay Holland wuxuuna sidaa ku go’aamiyay rajadii xulkiisa iyo waliba in France uu ka hadhaday UEFA Nations League.

Siday Xaaladu Isku Bad-Badalaysay Intii Ciyaartani Socotay:

Daqiiqadii 84 aad’: Germany 2-0 Netherlands= waxaa afar dhamaadka UEFA Nations League u soo baxsanaa France

Daqiiqadii 85 aad: Germany 2-1 Netherlands = Goolkii Quincy Promes, wali France ayaa u soo baxsanaa afar dhamaadka UEFA Nations League

Daqiiqadii 90 aad: Germany 2-2 Netherlands= Goolkii Van Dijk- France ayaa kaalinta labaad loo riixay waxaana sidaa afar dhamaadka UEFA Nations League ugu soo baxay xulka Netherlands!

Sida aad dareemi karto waxay wax walba ku dhaceen shan daqiiqo oo ay Netherlands kaga badbaaday guuldaro iyo waliba in ay ka hadhayeen UEFA Nations League waxayna heleen laba gool oo taariikhda UEFA Nations league meel ugula qormi doona wacdarihii England ee Wembley Stadium.

Afarta Xul Qaran Ee Iskugu Soo Baxay Afar Dhamaadka UEFA Nations League:

1- Portugal

2- England

3- Switzerland

4- Netherlands

1 Aragti ayaa laga dhiibtay warbixintaan

Comments are closed.