CAJIIB: Saddex Jeer Ayaan Saddex Jibaarka Mushaarkiisii Barcelona U Soo Bandhigay Oo Uu Lionel Messi Diiday In Uu Aqbalo, Wuxuu Ahaa Xidiga Aanu Doonaynay.

Lionel Messi ayaa waqtiyo badan lala xidhiidhinayo kooxo kala duwan oo Yurub ah waxaana kooxaha sida wayn loola xidhiidhinayay ka mid ahaa kooxo waa wayn oo horyaalada Yurub ah kuwaas oo loo arkayay in ay bixin karaan mushaarka qaaliga ah ee xidiga reer Argentina uu ka qaadanayay Barcelona intii aanu saxiixin heshiiska waqtiga dheer ah ee uu hadda ku joogo Camp Nou.

Lakaiin mulkiilaha kooxda Manchester City ee Khaldoon Al Mubarak ayaa si layaableh ugu danbayn u qirtay in uu saddex jeer isku dayay in uu Lionel Messi la soo saxiixdo oo uu waliba u balan qaaday in uu siinayo saddex jibaarkii mushaarkii uu Barcelona waqtigaas ka qaadanayay.

Xaflada uu Khaldoon Al Mubarak ka qayb galay ayuu sidoo kale ku shaaciyay in uu xataa Pep Guardiola ka dalbaday in uu isagu xidhiidh la sameeyo Lionel Messi si uu u aqbalo dalabyadii waalida ahaa ee ay ku doonayeen in ay Etihad Stadium ku keenaan.

Mulkiilaha Manchester City ee Khaldoon Al Mubarak ayaa cadeeyay in Lionel Messi uu ahaa xidiga uu inta badan doonayay in uu kooxdiisa keeno laakiin waxa uu si aan la rumaysan karin u qirtay in wax walba uu Lionel Messi ka diiday si uu Barcelona u sii joogo.

Mulkiilaha ahna gudoomiyaha kooxda Manchester City ee Khaldoon Al Mubarak ayuu wariyuhu waydiiyay su’aal sidan u dhignayd: “Miyuu jjiraa ciyaartoy kaas oo aad doonayseen la soo wareegistiisa laakiin aad ku guulaysan kari waydeen?”.

Khaldoon Al Mubarak oo su’aashan xaasaasiga ah si furan oo aan leex leexasho lahayn uga jawaabaya ayaa yidhi: “Messi waa ciyaartoygii aanu doonaynay in aanu la saxiixano, laakiin anagu kumaanu guulaysan. Waxaanu Guardiola ka dalbadany in uu isaga la hadlo, waxaanu isaga u soo bandhignay saddex jibaarka mushaarkiisii uu Barca ka qaadanayay, laakiin marnaba muu aqbalin dalabkayaga”.

Muddo badan oo saxaafada England iyo Spain ka soo hadlayeen in Manchester City ay ahayd kooxda inta ugu badan doonaysay saxiixa Lionel Messi ayuu ugu danbayn Khaldoon Al Mubarak banaanka soo dhigay wixii Messi ka soo qabsatay.

[irp posts=”162435" name=”NAXDIN: Lionel Messi Oo Si Xor Ah Uga Tegi Karaya Barcelona Iyo Qodob Ka Nixiyey Jamaahiirta Oo Laga Helay Heshiiskiisii Barca”]

Lionel Messi ayaa iska diiday in mushaarkiisii Cam Nou saddex jibaarkiisa uu ku qaato Etihad Stadium oo uu dib ula midoobo Pep Guardiola wuxuuna ka doortay in uu sii wato waayihiisa ciyaareed ee Barcelona.