Cajiib: Miyey Mohamed Salah Iyo Kooxdiisa Liverpool Qayb Ka Ahaayeen Go’aankii Uu Zidane Iskaga Casilay Real Madrid?

Kaddib markii uu gacanta ku dhigay guushii uu ka gaadhay kulankii finalka Champions League ee Liverpool, tababare Zinedine Zidane ayaa qaatay go’aan ah inuu iska casilo Real Madrid.

Go’aanka uu Zidane kaga tegay Real Madrid, waxa qayb ku lahaa Mohamed Salah iyo naadigiisa Liverpool, taas oo qof kasta oo warkan maqla ay ku noqonayso mid uu la yaabo.

Wargeyska El Pais ayaa oo daabacay sababihii keenay inuu Zidane ka dhaqaaqo Madrid wakhti ay dabbaal-degga farxaddii guusha ku jirto, ayaa waxa uu sheegay inay madaxweyne Florentino Perez isku afgaran waayeen doorka laga siinayo Gareth Bale safka koowaad ee kooxda, hase yeeshee, warbaahinta Liverpool Echo ayaa iyaduna daabacday in Salah uu qayb ka ahaa tegitaanka.

Zidane ayaa ka dalbaday madaxweyne Perez in loosoo iibiyo Mohamed Salah oo markaas ku guuleystay laacibka ugu goolasha badan horyaalka Premier League, sidoo kalena loo magacaabay xiddiga horyaalka PL, hase yeeshee, Perez ayaa u sheegay Zizou in aanay sinaba u dhici karin in iyadoo uu Gareth Bale joogo oo uu waliba kaydka fadhiyo in loo keeno ciyaartoy kale oo weyn.

Madaxweyne Perez ayaa isagana la sheegay inuu ka war hayey in aanu Liverpool ka heli doonin Salah oo aan loo ogolaan doonin inuu kusoo biiro.

Si kastaba ha ahaatee, Zidane ayaa laba maalmood kaddib markii uu ku guuleystay tartanka Champions League waxa uu shaaciyey inuu ka tegay Real Madrid.

Sidoo Kale Akhri:  Zinedine Zidane Oo Aqbalay Dalabkii Manchester United Iyo Jose Mourinho Oo Kusii Jeeda Real Madrid

 

newest oldest most voted
Abdifatah
Guest
Abdifatah

Zidane katagi tanka Real madrid wuku saxsana