CAJIIB:  Borussia Dortmund Oo Kulanka Germany Ugu Wayn Ee Der Klassiker Oo Shan Gool layska Dhaliyay Ku Garaacday Bayern Munich Iyo Robert Lewandowski Oo Goolal Mino La’aan Ah Dhaliyay.

Horyaalka Germany ee Bundesliga waxaa xili ciyaareedkan ka socda waxyaabo qariib ah iyada oo kooxda Borussia Dortmund ay la soo baxday qaab ciyaareed layaableh kaas oo ay sidoo kale ku soo muujisay tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League.

Kooxda Borussia Dortmund ayaa laba jeer ka soo kabsatay goolal ay Bayern Munich kaga hor martay kulanka Germany ugu wayn ee Der Klassiker waxayan Dortmund awooday in ay Bayern Munich si layaableh saddexda dhibcood uga tirsatay si ay dhibco badan ugu qabtaan hogaanka Bunesliga.

Robert Lewandowski ayaa markale ugaadhsaday kooxdiisii hore ee Dortmund isaga oo Bayern Munich u dhaliyay goolkii furitaanka ee kulankan laakiin  Marco Reus ayaa ugu jawaabay gool rekoodhe ahaa oo Dortmund lagu abaal mariyay si uu ciyaarta uga dhigo barbaro 1-1 ah iyada oo goolhaye Manuel Neuer qaladka rekoodhahan lagu ciqaabay.

Laakiin Robert Lewandowski ayaa mar labaad Bayern Munich hogaanka ugu dhiibay gool madax ahaa waxayna Bayern u muuqatay mid aan quusan si ay guul u gaadho balse waxaa soo baxday duufaantii Dortmund ee xil ciyaartan si ay ciyaarta ugu qalibto Bavaria.

Marco Reus iyo xidiga ay Dortmund sida layaabka leh guu faa’iiday ee Paco Alcacer oo Barcelona amaah kaga soo maqan ayaa ciyaarta dhamaystiray waxayna dhaliyeen laba gool si ay Bayern Munich u badaan guuldaro ayna waqti dhaw ilaawi doonin.

Inkasta oo uu Robert Lewandowski uu isku arkay in uu  saddexley dhaliyay kadib markii uu daqiiqadii 94 aad shabaqa soo taabtay ayaa goolkiisa saddexaad loo diiday in uu offise ku jiray waxayna Dortmund guul ku gaadhay 3-2 iyada oo Alcacer uu noqday xidiga go’aamiyay kulanka ugu wayn Germany ee Dortmund iyo Bayern Munich.

Bayern Munich oo lixdii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay si xidhiidh ah ugu soo guulaysanaysay koobka horyaalka Germnay ayaa hadda ku jirta kaalinta saddexaad ee Bundesliga waxayna 7 dhibcood ka hoosaysaa Dortmund oo sanadkan duulaysa.

Dortmund ayaa 11 kulan oo Bunesliga ah ka soo heshay 27 dhibcod halka Bayern Munich ay isla kulamadan ka soo shaqaysatay 20 dhibcood waxaana socda xaalado aan la soo arag lixdii xili ciyaareed ee ugu danbeeyay.