CABSI HOR LEH: Paul Pogba Oo Shaki Uu Ku Jiro Inuu Ciyaari Karo Kulanka Manchester Derby Ee Axada

Manchester United ayaa walwal dhaawac ka qabta xiddiga khadka dhexe Paul Pogba ka hor kulanka Manchester Derby ee Axada ka dhacaya Etihad Stadium.

Pogba ayaa dhaawac yar qaba, waxaana uu tababar ku qaatay qolka jirdhiska bedelkii uu qeyb ka noqon lahaa tababarkii guud ee kooxda ee maanta ka dhacay Carrington.

Xiddiga khadka dhexe ayaa la filayaa inuu taam u noqdo kulanka Axad laakiin wax go’aan ah lagama gaari doono ka qeyb qaadashadiisa kulankaan ilaa iyo ka dib tababarka berri.

Marouane Fellaini ama Fred ayaa ciyaari doona khadka dhexe haddii Pogba uu taam u noqon waayo kulanka weyn ee Etihad Stadium loogu balansan yahay.

Xiddiga Faransiiska ayaa qeyb libaax leh ka qaatay guushii 2-1 ee Champions League ee ay Man United ka gaartay Juventus bartamihii isbuuca.

Isaga ayuuna ahaa qofkii ka danbeeyay in United ay guushii soo laabashada aheyd ee 302 ku gaarto Etihad Stadium xilli ciyaareedkii la soo dhaafay isagoo dhaliyay labo gool ciyaartaas.

United ayaa rajeyneysa in Pogba uu fiicnaado islamarkaana uu soo xaadiro booskiisa wadnaha khadka dhexe iyagoo raadinaya inay sii wataan guulaha ay ka soo gaareen Juventus iyo Bournemouth.

Alexis Sanchez oo isna muhim u ahaa guushii ay City ka gaareen bishii April ayaa ka qeyb qaatay tababarkii maanta oo Jimce ah inkastoo uu dhaawac yar ka soo gaaray bowdada kulankii Italy.

Xiddiga reer Chile ayaa u muuqda mid hogaamin doona weerarka Manchester United inkastoo Romelu Lukaku uu ku soo laabtay tababarka.