Sida uu daabacay The Times, weeraryahanka kooxda Brentford ee Bryan Mbeumo ayaa doonaya inuu mushaar ahaan u qaato £250,000 toddobaadkii haddii uu u wareegayo kooxda Manchester United.
Red Devils ayaa u aqoonsatay Mbeumo inuu yahay bartilmaameedkooda xiga kadib markii ay dhamaystireen saxiixa Matheus Cunha.
Kooxda Brentford ayaa sugaysa dalab rasmi ah oo uga yimaada Man United, waxayna doonayaan in laacibkan lagu iibiyo wax ka badan £60 milyan.
Mbeumo, oo dhaliyay 20 gool horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii tegay, ayaa waxaa doonaya kooxo badan, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu doorbidayo ku biirista Manchester United marka loo eego dalabyada kale.