Bryan Mbeumo Oo Go’aansaday Inuu Ku Biiro Manchester United

Manchester United ayaa isku diyaarinaysa inay wada hadallo rasmi ah la furto Brentford si ay u helaan saxiixa weeraryahanka Bryan Mbeumo, kaddib markii 25-jirkan uu si cad u muujiyay inuu doonayo inuu xagaagan ku biiro kooxda Red Devils, sida uu sheegay David Ornstein.

Mbeumo ayaa galay sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa kooxda Brentford, inkastoo kooxda ay haysato ikhtiyaar ay hal sano oo dheeri ah ugu kordhin karto. Si kastaba ha ahaatee, bandhiggiisii wacnaa ee xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ayaa si weyn u soo jiitay dareenka United.

Xiddiga xulka Cameroon ayaa gaaray xilli ciyaareedkii ugu goolasha badnaa tan iyo markii uu kaga yimid Troyes sanadkii 2019, isagoo dhaliyay 20 gool isla markaana sameeyay 8 caawin tartamada oo dhan. Waxqabadkiisa cajiibka ah wuxuu sidoo kale xiise ka helay kooxaha Arsenal, Newcastle United iyo Tottenham Hotspur, balse waxaa la rumeysan yahay in Mbeumo uu doorbidayo inuu aado Old Trafford haddii heshiis lala gaaro.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football