Wararka ka imaanaya Al-Ariyadhiah ee dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in Bruno Fernandes iyo kooxda Al Hilal aysan weli isku afgaran shuruudaha shaqsiga ah ee qandaraaskiisa.
Al Hilal ayaa la soo warinayaa inay u bandhigeen Bruno qandaraas afar sano ah oo uu sanadkiiba ku qaadanayo £21 milyan.
Si kastaba ha ahaatee, kabtanka Manchester United wuxuu doonayaa heshiis saddex sano ah oo uu sanadkii ku helayo £25 milyan, iyo waliba £5–7 milyan oo dheeraad ah (add-ons).
Al Hilal ayaa dadaal ugu jirta inay la saxiixdaan Bruno Fernandes ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Koobka Adduunka ee Naadiyada, oo xirmaya 10-ka Juun. Si kastaba, ma cadda in midkoodna diyaar u yahay inuu tanaasulo si heshiiska loo dhammeeyo.