Bruno Fernandes, oo ka tirsan Manchester United, ayaa la sheegay inuu shuruud cad u gudbiyay kooxda Al Hilal ee Saudi Pro League si uu ugu biiro xagaagan.
Sida lagu daabacay wargeyska Ariyadhiah, kabtanka reer Portugal ayaa hadda furay albaabka uu ugu wareegi karo kooxda Sacuudiga, balse kaliya haddii la aqbalo dalabkiisa dhaqaale. Fernandes ayaa dalbanaya £25 milyan sanadkii muddo saddex sano ah, iyo sidoo kale £7 milyan oo gunnooyin ah.
Dhanka Al Hilal, waxay u bandhigeen ciyaaryahanka mushaar dhan £21 milyan sanadkii muddo afar sano ah, iyaga oo diidan wax gunnooyin dheeri ah. Si kastaba ha ahaatee, kooxda hodanka ah ayaa diyaar u ah inay bixiso wax kasta oo ay Manchester United dalbato si ay u fasaxdo xiddiga.
Tababaraha United, Ruben Amorim, ayaa dhawaan sheegay in Fernandes uusan weli si cad u sheegin waxa uu ka damacsan yahay mustaqbalkiisa, inkasta oo ciyaaryahanka laftiisa uu muujiyay diyaar u ahaanshihiisa inuu baxo haddii kooxda dooneyso inay ka faa’iideysato iibkiisa.
Fernandes ayaa ku biiray United sanaddii 2020 isagoo kaga yimid Sporting CP, waxaana ay kooxda ku qarash gareysay ku dhawaad £58 milyan. Intii uu joogay Old Trafford, wuxuu dhaliyay 98 gool isagoo caawiyay 87 gool 290 kulan oo uu u saftay Red Devils.