Bruno Fernandes Oo Markii Ugu Horreysay Si Cad U Shaaciyay Hadafka Koowaad Ee Portugal Koobka Adduunka Ee 2026

Bruno Fernandes ayaa shaaciyay inuu isha ku hayo Koobka Adduunka 2026 kaddib guushii weynayd ee xulka Portugal ka gaaray UEFA Nations League.

Portugal ayaa Axaddii rigoorayaal ku garaacday xulka Spain si ay u qaado Nations League markii labaad, ciyaartii kama dambaysta ahaydna waxay ku dhamaatay 2-2 kaddib waqtigii dheeriga ahaa, iyadoo Nuno Mendes (26’) iyo Cristiano Ronaldo (61’) ay u dhaliyeen Portugal goolasha, halka Martin Zubimendi (21’) iyo Mikel Oyarzabal (45’) ay Spain u dhaliyeen goolasha.

Fernandes ayaa ciyaarta kadib u sheegay Tribal Football in ujeeddadooda xigta tahay in ay ka qeyb galaan Koobka Adduunka 2026 oo ay ku guuleystaan.

“Waxaan rabnaa inaan ka qeybgalno Koobka Adduunka oo aan isku dayno inaan guul kale gaarno. Portugal marnaba tartan uma gasho si ay u guuldareysato. Marka hore waxaa inoo dhiman isreebreeb, waana isku dayi doonnaa inaan ku guuleysanno,” ayuu yiri.

Portugal ayaa durba loo arkaa mid ka mid ah xulalka ugu cadcad ee ku guuleysan kara Koobka Adduunka 2026, maadaama ay haatan joogaan heer ciyaareed aad u sarreeya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football