Bruno Fernandes Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay Sababta Uu U Diiday Inuu Ku Biiro Al Hilal

Bruno Fernandes, kabtanka Manchester United, ayaa xaqiijiyay inuu helay dalab rasmi ah oo uga yimid kooxda reer Sacuudi ee Al Hilal, balse go’aansaday inuu diido.

“Fursad way jirtay. Madaxweynaha (Al Hilal) ayaa i soo wacay, wuxuuna i weydiiyay haddii aan doonayo inaan halkaas aado. Way i sugayeen,” ayuu yiri Bruno Fernandes oo la hadlayay warfidiyeenka intii uu ku jiray waajibaadka xulka qarankiisa.

“Waxaan la hadlay tababare Ruben Amorim. Wuxuu iga codsaday inaanan tagin. Manchester United ma rabin inay i iibiyaan. Ma aysan u baahnayn lacagta. Haddii aan doonayo inaan baxo, way fududaan lahayd in la dhammeeyo howshaas.”

“Al Hilal aad bay iigu roonaayeen. Way la hadleen wakiilkayga. Markaas aniguna waxaan la hadlay xaaskayga. Waxay i weydiisay: maxaad rabtaa inaad samayso? Mar walba way taageertaa go’aannadayda.”

“Runtii, way sahlanayd inaan halkaas u dhaqaaqo. Waxaan si fiican u garanayaa ciyaartoyda reer Portugal ee halkaas jooga.”

“Laakiin waxaan rabaa inaan ka ciyaaro heerka ugu sarreeya oo aan u tartamo koobab waaweyn. Weli waan awoodayaa, waana doonayaa inaan sameeyo. Waxaan si weyn u jecelahay kubadda cagta.”

Warar ayaa sheegaya in Fernandes uu diiday heshiis gaaraya £200 milyan oo uga imaanayay Al Hilal, taasoo uu sidoo kale ku heli lahaa fursad uu kaga qeyb galo Club World Cup-ka oo bilaabanaya wax ka yar laba toddobaad gudahood.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football