Bruno Fernandes, oo ka tirsan xulka qaranka Portugal, ayaa ka hadlay kaddib markii dalkiisu ku guuleystay UEFA Nations League, ciyaartii rigoorayaasha lagu garaacay Spain kaddib barbaro 2-2 ah waqtigii caadiga ahaa iyo dheeraadka.
Bruno ayaa sheegay in wax walba oo ay ku sameeyeen ciyaarta gudaheeda ay gacan ka geysteen guusha. Wuxuu xusay in ay si fiican uga warqabeen tayada Spain, balse iyaguna ay ahaayeen koox leh heer la mid ah, isla markaana si adag uga hortageysay markasta oo ay kubadda lumiyaan – sida ay ku sameeyeen Germany.
Wuxuu si gaar ah u amaanay Nuno Mendes oo uu ku tilmaamay “tareenka dhinaca bidix”, isagoo xusay in orodkiisa iyo hal-abuurkiisu ay keeneen farxad weyn. Bruno sidoo kale wuxuu bogaadiyay badbaadintii Diego Costa iyo goolkii rigoorada ee Ruben Neves.
Markii laga hadlayay in Portugal aan loo aqoonsaneyn dal murashaxa koobka ah, Bruno wuxuu yiri: “Annaga muhiim ma ahan in nala yiraahdo adinkaa ugu cad-cad. Waxa muhiimka ah waa inaan guuleysanno.”
Ugu dambeyntii, wuxuu yiri: “Guusha Portugal waa mid gaar ah, waxaana ugu dabaaldegi doonnaa si weyn.”