Bruno Fernandes Oo Ku Dhow Inuu Aqbalo Heshiiska Ay Al Hilal Usoo Bandhigtay

Sida ay werisay Manchester Evening News, kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa si dhab ah uga fiirsanaya inuu ku biiro kooxda horyaalka Sacuudiga ee Al Hilal.

Wakiilka Fernandes, Miguel Pinho, ayaa fiidkii khamiista kulan fool ka fool ah kula yeeshay masuuliyiin ka tirsan Al Hilal magaalada Riyadh.

Kooxda Manchester United ma aysan diidin inay iibiso ciyaaryahan kasta xagaagan, taasoo la micno ah in Fernandes uu qeyb ka noqon karo kuwa la iibinayo.

Haddii 30-jirkan uu aqbalo heshiiska, Manchester United waxay heli kartaa ilaa £100 milyan oo ginni.

Dhanka heshiiska shaqsiga ah, Fernandes waxaa la sheegayaa inuu heli karo £200 milyan oo ginni muddo saddex sano ah.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football