Booliiska Dalka Spain Oo Si Weyn U Sugaya Amaanka Kulanka Copa Libertadores Ee Bocca vs River Xilli Mid Kamid Ah Jamaahiirta Mayalka Adag Ee Barras Bravas Dib Loogu Tarxiilay Argentina.

Jamaahiirta dalka Spain ayaa u muuqda kuwo si xoogan u sugaya amaanka kulanka Copa Libertadores ee ay Axada toddobaadkan fooda is dari doonaan kooxaha Bocca Juniors iyo River Plate kulan loo balansan yahay inuu ka qabsoomo gegida Estadio Santiago Bernabue.

Booliiska dalka Spain ayaa joojiyay Maxi Mazzaro oo kamid ah hoggaanka kooxda mayalka adag ee Ultras (Oo koonfurta America looga yaqaan Barras Baravas) kaas oo kasoo dagayay Barajas airport ee magaalada Madrid isla markaana dib ugu tar-xiilay dalka Argentina.

El ultra de Boca Juniors deportado, Maxi Mazzaro, en el aeropuerto.

Sida laga helayo wakaalada Booliiska dalka Spain, Mazzaro ayay joojiyeen qaar kamid ah ciidanka amaanka dalkaasi iyaga oo aan u ogolaan inuu gudaha u galo dalka sababo amaan darteed.

Wakhtiga Mazzaro la qabtay ayaa ahayd habeenimadii Arbacada isaga oo haatanba ku laabtay dalkiisa Argentina, EFE ayaa sheegaya in shaqsigani uu rekoodh dambiyo ah oo waaweyn kaga jiro dalkiisa isla markaana uu kamid yahay kuwa ugu muhiimsan ee ugu halista badan kooxda mayalka adag ee Bocca Ultras.

Booliiska Spain ayaa si adag uga shaqaynaya amaanka Final-ka loo balansan yahay Axada si ay uga hortagaan soo laabasho kale oo ah fawdadii ka dhacday caasimada Beunos Aires markaas oo taagerayasha River ay si ba’an u weerareen xiddigaha Bocca Juniors.

In Final-ka kulankan loo soo wareejiyo Bernabeu ayay si xoogan u eedeeyeen labada kooxood, Jamaahiirtooda iyo inbadan oo kamid ah bahda kubadda cagta ee koonfurta America.