Agaasimaha ciyaaraha ee Bayern Munich, Max Eberl, ayaa si daacad ah u qirtay in kooxdiisu aysan awoodin inay la tartanto Liverpool si ay u helaan saxiixa Florian Wirtz.
Eberl ayaa yiri:
“Si daacad ah haddii aan u hadlo, ma hubo haddii aan awoodi lahayn inaan bixino lacagta ay Liverpool hadda muuqato inay bixisay.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Florian Wirtz waa ciyaaryahan heer sare ah. Waxaan si dhab ah uga fikirnay inaan la saxiixano. Laakiin marka albaab xirmo, mid kale ayaa furma.”
Ugu dambeyntii, Wirtz ayaa doortay Liverpool isagoo ka doorbiday Bayern Munich iyo Manchester City, taasoo ahayd go’aanka ugu weyn ee u horseeday Reds inay ku guuleystaan tartanka.
Kooxdiisa Bayer Leverkusen ayaa sidoo kale ku faraxsan heshiiska, maadaama ay heli doonaan lacag badan, isla markaana aysan ku lumin doonin xiddigooda ugu weyn mid ka mid ah kooxaha uu tartanka tooska ah kala dhaxeeyo.