Barcelona Oo Xaqiijisay Dhaawaca Philippe Coutinho & Mudada Uu Garoomada Ka Maqnaanayo Oo La Qiyaasay.

Barcelona ayaa maanta ku dhawaaqday in xiddigooda reer Brazil Philippe Coutinho uu soo gaaray dhaawac garoomada u diidi kara muddo laba ama saddex isbuuc ah, waxeyna tani ka dhigan tahay inuu xiddigaan seegi doono kulanka Real Betis ee todobaadka soo socda.

Xiddiga reer Brazil waxaa lagu soo warramayaa inuu dilaac yar kasoo gaaray lugtiisa bidix, waxeyna sababeysaa inuusan soo xaadirin kulanka Real Betis, sidoo kale wuxuu seegi doonaa kulamada ay ciyaarayaan qarankiisa Brazil.

Ernesto Valverde ayaa u baahan inuu sameeyo hal abuur uu ku hormariyo shaxdisa, waxeyna wax walba ku xirnaan doonaan hadii uu Lionel Messi kulankaas taam buuxa u noqon karo iyo in kale, xiddiga reer France Ousmane Dembele ayaana filanaya in loo doorto buuxinta booska Coutinho hadii Messi uu soo laabto.

Sidoo kale Malcom Filipe ayaa fursad heli kara isna waa hadii Lionel Messi uusan kulanka Real Betis kasoo qeybgalin, xiddigaan dhawaangalka ah ee reer Brazil wuxuu shumaciisa shitay kulankii Inter Milan markii uu 1-0 ka dhigay kulanka walow Icardi uu ka daba keenay.

Dhaawaca Coutinho wuxuu lama filaan ku noqday jamaahiirta kooxda, waxeyna nasiib ku leeyahiin in la ciyaari doono kulamo heer qaran ah taasoo fursad weyn usiin karta xiddiga inuu soo kabto kana soo qeybgalo kulamada xiga kulanka Real Betis.