Barcelona Oo Xaalad Xun Ku Sugan; Arrinta Nico Williams Waxaa soo Fara-geliyay La liga

Kooxda Barcelona ayaa ku sii siqeysa saxiixa Nico Williams, balse kooxda Athletic Club Bilbao ayaa la sheegayaa inay isku dayeyso inay hor istaagto heshiiskaas. Bilowgii toddobaadkan, Bilbao ayaa cabasho u gudbisay La Liga, iyagoo muujinaya walaac ku saabsan xaaladda dhaqaale ee Barcelona, taasoo keentay xiisad cusub oo u dhexeysa labada kooxood.

Madaxweynaha La Liga, Javier Tebas, ayaa xaqiijiyay kulankaas wuxuuna sharaxaad ka bixiyay sababta Bilbao ay u la xiriirtay horyaalka. Wuxuu yiri:

“Bilbao waxay ka cawdeen hadalkii Deco oo muujiyay rabitaankiisa ku aaddan inuu saxiixo ciyaaryahanka. Sida uu dhigayo xeerka FIFA, Nico waxa uu ku jiraa waqti ‘la xadiday’ , mana jirto awood na siineysa inaan arrintaas faragelin ku sameyno.”

Tebas ayaa sidoo kale sheegay waxa Barcelona laga doonayo si ay u dhamaystirto heshiiska:

“Waxaan sameyneynaa waxa aan mar walba sameyno: FC Barcelona waa inay raacdaa xeerarka si ay u diiwaangeliso ciyaartoy kasta — ha ahaado Nico Williams, Haaland, Messi, ama cid kale. Ma jirto wax isbedel ah oo aan sameyneyno.”

Tebas ayaa dhaleeceeyay Bilbao sababtoo ah waxay arrinta u bandhigeen si dadweyne ah:

“Athletic Club Bilbao uma baahna inay war-saxaafadeed soo saarto. Waa waajibkeenna inaan caddeyno wax kasta oo ku saabsan xeerarka Financial Fair Play. Waxaan nahay horyaal daah-furan.”

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu sheegay:

“Barcelona ma lahan nidaamka 1:1 (oo micnaheedu yahay in wax la iibiyo si wax loo iibsado), waxaana rajeyneynaa inay si dhakhso leh u gaaraan heerkaas. Way og yihiin waxa ay tahay inay sameeyaan si ay u raacaan xeerka.”

Heshiiska Nico Williams ayaa weli sugan, balse La Liga iyo kooxaha kale ayaa cadaadis saaraya Barcelona si ay u buuxiso shuruudaha dhaqaale ee loo baahan yahay ka hor inta aysan saxiixa dhameystirin.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football