Barcelona Oo Soo Bandhigtay Qorshe Cusub Oo Ay Kula Wareegeyso Nico Williams

Barcelona ayaa diyaarinaysa qorshe cusub oo ay ku doonayso saxiixa garabka Athletic Club, Nico Williams, sida uu sheegay wargeyska Diario SPORT.

Xiriirka qalloocan ee u dhexeeya Barca iyo Athletic Bilbao ayaa caqabad ku noqday wada-hadalladii hore, taasoo keentay in Barcelona ay hadda qorsheyso inay si toos ah u bixiso lacagta lagu burburin karo qandaraaska ee €60 milyan ah toddobaadkan, si ay u dhamaystirto heshiiska.

Agaasimaha ciyaaraha, Deco, ayaa u arka in maalgelinta xiddigan aysan mudnayn in la dib dhigo iyadoo la sugayo shuruudo ka wanaagsan.

Si ay uga jawaabaan walaaca Williams ee la xiriira suurtagalnimada caqabadaha La Liga ee diiwaangelinta ciyaartoyda, Barcelona waxay u bandhigtay qodob qandaraas oo gaar ah. Qodobkan wuxuu u oggolaanayaa Williams inuu la xaajoodo kooxo kale haddii diiwaangelintiisa ay ku fashilmaan, iyadoo shuruuddu tahay in kooxda doonaysa ay bixiso €60 milyan.

Tani waxay hubinaysaa in Barcelona aysan lumin maalgashigeeda, isla markaana ciyaaryahanku dareemo kalsooni.

Barcelona ayaa ku kalsoon in ay ka gudbi doonto caqabadaha diiwaangelinta, waxaana ay filayaan in Williams uu ku biiro x camp-ka xagaaga ee tababare Hansi Flick marka la gaaro 13-ka July, isagoo ka fogaandoona tababarka Athletic ee bilaabanaya 9-ka July.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football