Barcelona Oo Si Lama Filaan Ah U Kala Dooratay Nico Williams Iyo Luis Diaz

Barcelona ayaa doorbideysa inay u dhaqaaqaan xiddiga reer Colombia ee Luis Diaz halkii ay si toos ah u bartilmaameed san lahaayeen Nico Williams, inkasta oo qiimaha Diaz uu ka sareeyo kan Williams – sababtuna waa shuruudaha lacag bixinta ee dabacsan.

Barcelona, oo xilli ciyaareedkan ku guuleysatay La Liga, Copa del Rey, iyo Spanish Super Cup, ayaa qorsheyneysa inay xoojin ku sameyso weerarka kooxda. Sida ay warinayso COPE, bartilmaameedka koowaad ee kooxda ayaa ah weeraryahanka Liverpool ee Luis Diaz.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladaha dhaqaale ee Barcelona ayaa weli ah caqabad weyn. Liverpool waxay ku qiimeyneysaa Diaz inta u dhaxeysa €65 milyan illaa €80 milyan, laakiin waxaa jirta suurtogalnimo in lacagta loo bixiyo qeyb-qeyb. Inkasta oo qiimuhu sarreeyo, Barcelona waxay u aragtaa mid ay maareyn karto sababtoo ah hal mar ma bixineyso lacagta.

Dhanka kale, xiisaha Barcelona ee Nico Williams oo ka tirsan Athletic Club ayaa dib u soo cusboonaaday. Si kastaba, si loo helo Williams, waxaa khasab ah in si buuxda loo bixiyo qiimaha lagu burburin karo heshiiskiisa oo ah €62 milyan – lacagtaas oo hal mar ah, aan qayb-qayb loo bixin karin, taasoo Barcelona dhibaato u keeneysa maaliyad ahaan.

Inkastoo Luis Diaz uu yahay xulashada koowaad ee Barcelona sabab la xiriirta dabacsanaanta lacag bixinta, Nico Williams ayaa weli ah doorasho muhiim ah haddii ay kooxda hesho dhaqaalaha looga baahanyahay. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Williams uu xiiseynayo ku biirista Barcelona xagaagan, isla markaana uu xitaa ka dhaadhicinayo ciyaartooyda hadda jooga inay kooxda ku riixaan saxiixiisa.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football