Warbixin cusub oo ka timid SPORT ayaa sheegaysa in FC Barcelona ay durba ku dhowdahay saxiixa garabka Athletic Club ee Nico Williams, kadib markii ay si degdeg ah uga jawaabeen warar sheegayay in Real Madrid ay dooneyso laacibka da’da yar ee reer Spain.
Nico Williams, oo asal ahaan ka soo jeeda gobolka Navarra, ayaa la sheegay inuu saaxiibadiisa u sheegay inuu doorbidayo Barcelona, balse haddii heshiis lala gaari waayo, uu diyaar u yahay inuu u wareego Madrid.
Arrintan ayaa cirka isku sii shareertay markii Marca ay bishii May 21-da soo daabacday cinwaan weyn “Bomba Nico,” taasoo muujinaysay in Real Madrid ay si dhab ah u dooneyso laacibka. Tani waxay Barcelona ku khasabtay inay dhaqso jawaab u bixiyaan si aysan ugu waayin ciyaaryahanka, cadowgooda ugu weyn.
Wakiilka Nico, Felix Tainta, ayaa la kulmay agaasimaha isboortiga ee Barca, Deco, taariikhdu markii ay ahayd June 13, wax yar uun kadib final-kii UEFA Nations League. Kulankaasi wuxuu xaqiijiyay in Barcelona ay dhab ka tahay xiisaha ay u qabto Williams, iyadoo diyaar u ah inay bixiso qaddarka lagu burburin karo qandaraaskiisa — ku dhowaad €62 milyan oo euro.
Qiimahaasi ayaa aad uga hooseeya €80–90m oo ay ku doonayeen Luis Diaz, oo markii hore ahaa bartilmaameedka koowaad ee garabka bidix ee Barca.
Inkasta oo uu Nico Williams heshiis cusub kula jiro Athletic Bilbao ilaa 2027.waxaa heshiiskiisa ku jira qodob u oggolaanaya inuu u dhaqaaqo kooxda dooqiisa.
Marka la eego sida degdega ah ee ay Barça uga falcelisay xiisaha Real Madrid, waxay u muuqataa in kooxda reer Catalonia ay ku dhowdahay inay guul weyn ka gaarto suuqa kala iibsiga iyadoo heli doonta mid ka mid ah da’yarta ugu tayada fiican Spain, isla markaana ka hor istaagi doonta Madrid in ay gacanta ku dhigto.