Barcelona Oo Si Cadho Leh Uga Jawaabtay Qorshaha Ganaaxa Ee Uefa

Kooxda FC Barcelona ayaa si rasmi ah uga jawaabtay warbixin uu daabacay The Times, oo sheegtay in UEFA ay qorsheyneyso in ganaaxyo dheeraad ah la dul dhigo kooxda sababo la xiriira jebinta xeerarka dhaqaale wanaagga (Financial Fair Play) mar kale.

Arbacadii, Barcelona waxay soo saartay bayaan ay ku beenineyso in ay heshay ogeysiis rasmi ah oo ku saabsan ciqaab cusub:

“FC Barcelona dhowaan waxay dhammeysatay hab-raac kormeer dhaqaale ah oo UEFA sameyso laba sanoba mar. Natiijooyinka iyo cawaaqibta ka dhalan kara kormeerkaas wali lama soo gudbin.”

Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay in khilaafka ugu weyn uu yahay aragtida UEFA ee ku aaddan dhaqaalaha ka soo xarooda iibinta hantida (ama ‘financial levers’) oo aysan u aqoonsan dakhli caadi ah — halka La Liga ay si kale u aragto oo ay u tixgeliso inay yihiin dakhliga hawlgalka joogtada ah.

“Waxaan sii wadi doonaa bixinta macluumaad dheeraad ah marka aan helno.”

UEFA wali si rasmi ah ugama hadlin arrintan, balse warar cusub ayaa la filayaa in ay soo baxaan toddobaadyada soo socda, xilli ay dhammeystirayaan qiimeynta dhaqaale ee kooxaha ka qaybgalaya tartamada Yurub xilli ciyaareedka 2025/26.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

- Advertisment -

Football