Agaasimaha ciyaaraha ee Barcelona, Deco, ayaa wareysi uu siiyay La Vanguardia kaga hadlay qorshaha mustaqbalka ee kooxda, gaar ahaan booska goolhayaha kadib imaatinka Joan Garcia oo laga keenay Espanyol.
Markii la weydiiyay mustaqbalka Marc-André ter Stegen, Deco wuxuu yiri: “Ma aha inaan la hadlo. Shaqadaydu waa inaan dhiso koox awood leh oo tababaruhu u isticmaalo sida uu doono. Go’aanka cida ciyaareysa waa kan tababaraha. Ma jiro wax qodob ah oo ku jira heshiiska ciyaaryahan oo damaanad qaadaya waqti ciyaareed.”
Deco wuxuu sidoo kale sheegay in saxeexa Joan Garcia uusan kamid aheyn qorshahooda markii hore:
“Goolhayaha ma ahayn mudnaan hore, laakiin suuqa wuu furnaa, fursad ayaana timid. Haddii aan sugno, qiimihiisu wuu kici lahaa ama koox kale ayaa qaadan lahayd. Waa inaan dhaq-dhaqaaq sameynaa.”
Isagoo ka hadlaya mustaqbalka xiddiga, Deco wuxuu caddeeyay in Garcia loo keenay kooxda qorshe fog:“Waa inaan ka fikirnaa hadda iyo mustaqbalkaba. Joan waa goolhaye da’yar oo heer sare ah. Wuu ciyaari karaa hadda, ama sanado kadib – laakiin qof walba wuxuu ka bilaabaa eber. Cidna faa’iido gaar ah ma leh.”
Hadalkan ayaa muujinaya in Barcelona ay diyaarineyso badelka mustaqbalka ee Ter Stegen, inkasta oo aysan weli jirin wax beddel degdeg ah oo la xaqiijiyay.