Warbixin ay faafisay SPORT ayaa sheegaysa in Barcelona ay qorsheyneyso inay dib u qaabeyso weerarkeeda iyadoo tababaraha cusub, Hansi Flick, uu doonayo in Raphinha uu door muhiim ah ka ciyaaro booska dhexe xilli ciyaareedka 2025/26.
Raphinha, oo xilli ciyaareedkii la soo dhaafay dhaliyay 34 gool isla markaana bixiyay 25 caawin 56 kulan, ayaa noqday xubin muhiim u ah kooxda Flick oo hanatay saddex koob. Ciyaaryahankii hore ee Leeds ayaa hadda helay kordhin qandaraas ah ilaa Juun 2028, waxaana loo arkaa tiir dhexe oo mustaqbalka kooxda ah.
Flick wuxuu qorsheynayaa inuu u isticmaalo Raphinha sida No.10 – ciyaaryahan garoonka dhexe ka ciyaara – oo si toos ah uga dambeeya Robert Lewandowski, halkii uu ka ahaan lahaa garabka dhaqanka ee weerarka. Tani ma aha tijaabo kumeelgaar ah, balse waa isbeddel joogto ah oo ku saabsan qaab ciyaareedka kooxda.
Qorshahan cusub ayaa looga gol leeyahay in looga faa’iideysto maskaxda ciyaareed ee Raphinha, orodkiisa badan iyo awooddiisa uu ku dhameystiro weerarada meelaha u dhow goolka. Sidoo kale, garashada uu u leeyahay meelaha ciriiriga ah iyo cadaadiska sare ee uu saaro difaaca ayaa ka dhigtay mid ku habboon booska cusub.
Isbeddelkan wuxuu sidoo kale saameyn ku yeeshay qorshaha suuqa ee Barcelona. Maadaama Raphinha uu u wareegayo booska dhexe, kooxda ayaa hadda bartilmaameedsanaysa garab bidix oo heer sare ah si ay u dheelitirto weerarka. Luis Diaz oo ka tirsan Liverpool ayaa noqday dookha koowaad, iyadoo agaasimaha ciyaaraha Deco uu la shaqeynayo si uu u keeno xiddiga reer Colombia Camp Nou. Diaz, oo hakiyay wadahadallada qandaraaskiisa cusub ee Liverpool, ayaa lagu qiimeeyaa €85 milyan.
Waanka helay qorshaha